Skip to main content

Xog: Maxay DF Soomaaliya u ballan qaaday odayaasha ka soo jeeda gobolka Awdal?,


 Xog: Maxay DF Soomaaliya u ballan qaaday odayaasha ka soo jeeda gobolka Awdal?

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas.

Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka.

Shirkaan ayaa waxaa ay labada dhinac ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay wasiir Axmed Macallin Fiqi.


Wasiirka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay “dhibaato iyo cadaadis uu sheegay in lagu hayo bulshada reer Awdal iyo kaalinta kaga aaddan dadka deeganka go’aannada iyo tallaabooyinka ay dowladda qaadayso.”

“Waxaan ka wada hadlaynaa in dadka reer Awdal aysan wax ra’yi ah ku lahayn heshiis ku sheeggii Somaliland u saxiixday Badda Soomaaliya Itoobiya, iyo in dadkii lagu hayo cadaadis iyo xarig joogto ah,” ayuu yiri.


Comments

Popular posts from this blog

Dowladda Soomaaliya oo hawadeeda ka celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah oo Hargeysa ku Socday

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi usoo waday. Sida Warbaahinta gudaha ka helayaan ilo Xog-Ogaal ah oo aviation ka ka tirsan diyaarada ayaa ku laabatay Adisababa oo marki hore ay ka so kacday