). Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM Madaxweyne Xasan ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”
Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe. Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:- 1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe. 2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe. 3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka. Dhagar qabayaasha kale ee howlgalka lagu laayay ayaa ahaa maleeshiyaad ay wateen horjoogayaashaan.