Xog: Maxay DF Soomaaliya u ballan qaaday odayaasha ka soo jeeda gobolka Awdal? Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas. Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka. Shirkaan ayaa waxaa ay labada dhinac ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBC-da u shee...


Comments
Post a Comment